'Walaac' laga qabo ardayda caafimaadka baranaysa oo hoos u dhacday gobolka Wales ee Britain

Arday caafimaad Lahaanshaha sawirka Green Bay/S4C
Image caption Tababarka dhaqaatiirta ayaa qaata sanooyin badan taasoo u baahan dhiiri galin badan in la siiyo ardayda

Ardayda gobolka Wales ee Britain ee doonaya inay bartaan caafimaadka ayaa hoos u dhacay 15% shantii sano ee ugu danbaysay, sida ay sheegtay tiro soo baxday.

Sanadkii hore, 570 arday oo degan Wales ayaa codsaday inay bartaan caafimaad, sida ay sheegtay Ucas oo qaabilsan codsiga waxbarashada jaamacadaha.

Coleg Cymraeg Cenedlaethol, taageerta waxbarashada Welsh ee dhexe, ayaa sheegtay in loo baahan yahay in wax badan laga qabto si loogu dhiiri galiyo ardayda inay codsadaan waxbarashada caafimaadka.

Ardayda codsanaysa waxbarashada caafimaadka ayaa hoos u dhacday iyadoo ahayd 670 sanadkii 2012-ka.

Dadka ku xeeldheer caafimaadka ayaa sheegaya inay tahaywax laga "walwalo".

Sara Whittam, oo matasha Coleg Cymraeg Cenedlaethol ee iskuulka caamimaadka ee Jaamacada Cardiff, ayaa sheegtay: " waan ognahay iskuulada aan ka helno codsiyada badan".

" Waxaan kaloo ognahay iskuulada aan ka helin codsiyada."

"Macnaheedu wuxuu yahay inay jirto shaqo badan oo loo baahan yahay in la qabto iyo masuuliyad wayn oo na saaran si loo gudbiyo fariinta in qof walba oo dhalinyaro ah oo Wales degan inuu lahaado fursada waxbarashada caafimaadka." ayay tiri.

Ms Wittam ayaa sidoo kale sheegtay, in wararka warbaahinta ku jira ee ah culayska saaran hayadda caafimaadka bulshada ee NHS, in ay ardayda ka niyad jabisay waxbarashada caafimaadka.

Goobaha kale ee Internetka ee la xidhiidha qodobadan

BBC-du mas'uul kama aha sugnaansha macluumaadka ka yimaad website kale ee debadda