WADA: Ruushka weerar dhanka internetka ah ayuu nagu soo qaaday

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Xafiiska WADA

Hay'adda caalamiga ah ee la dagaallanka daawada kordhisa awoodda ciyaartoyda ee WADA waxa ay sheegeysaa in burcad internet oo Ruushka ka soo jeeda ay isku deyayaan inay u dhacaan hanaankeeda la dagaallanka doping-ka.

Waxa ay hay'ada WADA sheegtay in la soo bandhigay akhbaar laga xaday kumbuutaradeeda.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Cadeymo qarsoonaa oo arrimaha caafimaadka ee Simeone ayaa la shaaciyay laakiin way beenisay arrintaasi

Wakaalad warar oo Ruushka laga leeyahay ayaa waxay daabacday sharaxaad ku saabsan waxyaabo la mamnuucay oo laga qoray tartamayaasha Mareykanka, sida kuwa ku guuleystay billado dahab ah.

Dadka la magacabaay waxaa ka mid ah gabadha ku guuleysatay abaalmarinta dahabka ee jimicsiga, Simone Biles, iyo xidigta dhanka tenniska, Serena Williams.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Serena Williams waxay ku guuleysatay afar biladood oo dahab oo dhanka tenniska ah

Maamulka la dagaallanka isticmaalka dawooyinka kordhiya awoodda jirka ee Mareykanka ayaa si adag u cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay cagajugleynta internetka.

"Waxaa la handadaayaa ciyaaryahanno aan waxba galabsan oo sameeyay waxkastoo looga baahnaan" ayey tiri laa'nta la dagaallanka daawada mamnuuca ka ah ciyaaraha fudud ee Mareykanka.

Afhayeen u hadlay aqalka Kremlin_ka ee Ruushka waxa uu sheegay inaysan su'aal ka taagneyn in Ruushka uu lug ku leeyahay arrinta.

Horraantii bishan, agaasimaha guud ee WADA, Olivier Niggli, wuxuu sheegay inay si joogto ah ay ula kulmeen weerar dhanka internetka ah oo kaga imaanayay Ruushka.

Ciyaaryahannada Ruushka ee tartamada fudud ayaa laga mamnuucay tartamada Rio, ka dib markii WADA ay ku eedeysay in dowladda ay maalgeliso barnaamijka dawooyinka awooda kordhiya

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan