Diyaaradihii qaadka Kenya oo Muqdisho ka dagay

Waxaa maanta dib u billowday duulimaadyada qaadka Kenya geyn jiray Soomaaliya oo muddo usbuuc ka badan ay saarnayd xayiraad

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Xayiraadda ka hor ugu yaraan shan duulimaad oo qaad ah ayaa ka dagi jiray Muqdisho

Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka degay laba duulimaad oo sida jawaano ay qaad ka buuxaan, sida ay BBC-da u xaqiijisay gabar ka mid ah ganacstada qaadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay sheegtay inay dib u fasaxday qaadkii laga keeni jiray Kenya, ka dib wadahadallo dhexmaray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta ayaa wadahadal ka yeeshay arrimaha ganacsiga ee qaadkuna uu ka midka yahay. Kenyatta ayaa ka qayb galayay shir madaxeedka IGAD ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shalay.

Illaa iyo 16 duulimaad oo qaad ah ayaa maalin kasta aada Soomaaliya.

Ganacsatada iyo beeraleyda qaadka ee Kenya ayaa waxaa soo gaaray khasaare malaayiin doolar ah intii diyaaradaha qaadku ay xayirnaayeen.