UNHCR iyo Kenya oo lagu dhaliilay hannaanka dib u celinta qaxootiga Dhadhaab

Image caption Xeryaha Dhadhaab waxaa ku nool boqollaal kun oo qof oo Soomaali u badan

Dib u celinta qaxootiga Soomalida ee ku jira xeryaha Dhadhaab ma uusan yeelanin hannaanka caalamiga ah ee ah inay iskood u noqdaan, sidaasi waxaa lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay'ad u dooda xuquuqda aadanaha.

Hay'adda Human Rights Watch, warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in inta badan dadka dib u noqday ay ka baqeen in la qasbo.

Tobannaan kun oo qof oo qaxooti ah ayaa dalka Soomaaliya dib ugu noqonaya kaddib markii sanado badan ay ku noolaayeen xeryaha qaxootiga oo dowladda Kenya ay qorsheyneyso inay xirto.

Hay'adda u dooda xquuqda aadanaha, HRW, waxay dowladda Kenya iyo hay'adda UNHCR ku eedeysay inay ku guuldareysteen in hanaanka dib u celinta ay waafajiyeen xeerka caalamiga ah.

Agaasimaha laanta xuquuqda qaxootiga ee hay'ada Huamn Rights Watch, Bill Frelick, waxa uu sheegayaa in maamulka Kenya aysan dadka dhiban siinin fursad ay ku kala xushaan inay noqdaan ama iska joogaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in hay'adda qaxootiga ee UNHCR aysan dadka siin warar sax ah oo ku saabsan xaaladda amniga ee Soomaaliya.

Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya waxay horey uga wada hadleen in la xiro xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Sikastaba, maamulka Jubaland ayaa dhowaantan waxa ay diideen in qaxootiga loo gudbiyo dhanka Soomaaliya, waxayna sheegayaan inaan la siinin taageerada bini'aadamnimo ee ay u baahan yihiin.

Go'aankaasi wuxuu dhaliyay in dad badan oo noqon lahaa ay ku xayiran yihiin xuduudda.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan