Pakistan: labo tareen oo isku dhacay ayaa dhimasho iyo dhaawac keenay

Waxaa isku dhacay labo tareen oo midkood xamuul qaado midina rakaab kuwaas oo marayay bartamaha dalka Pakistan, waxaana ku dhintay ugu yaraan afar ruux waxaana ku dhaawacmay in kabadan boqol ruux oo kale.

Masuuliyiinta waaxda tareenadu waxay sheegeen in shilkaasi uu ka dhacay magaalada Multan gobolka Punjab ka tirsan.

Warbaahinta deegaanku waxay ku warantay in darawalka tareenka xamuulka ah uu tareenka istaajiyay kaddib markii uu dardaray nin marayay wadada tareenka, intaas kaddibna uu soo dardaray tareen kuwa dheereeya ah oo u socday Karachi.

Afar qaybood oo ka mid ah tareenka ayaa qalibantay.