Snowden oo ku gacan sayray warbixin lagu dhaliilay

Edward Snowden wuxuu ka baqayaa in uusan maxkamad cadaalad ah helin haddii uu ku laabto Maraykanka Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Edward Snowden wuxuu ka baqayaa in uusan maxkamad cadaalad ah helin haddii uu ku laabto Maraykanka

Edward Snowden oo horay uga tirsanaa sirdoonka Maraykanka islamarkaana dusiyay macluumaad qarsoodi ah oo ay lahaayeen laamaha sirdoonka Maraykanka ayaa ku cagan seyray warbixin uu soo saaray guddi ka tirsan aqalka wakiilada Maraykanka oo si kulul u dhaleeceeyay hawlaha ninkaasi.

Guddigan oo qaabilsan arrimaha sirdoonka ayaa ku sheegay Snowden in uu ahaa shaqaale gadoodsan oo tallaabada uu ku dhaqaaqay ay gacan siisay cadowga Maraykanka oo kali ah.

Warbixintan ayaa soo baxday maalin kaddib markii laba hay'adood oo u doodo xuquuqda aadanaha ay billaabeen olole ay uga dalbanayaan madaxweyne Obama inuu cafiyo Snowden.

Aqalka Cad ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada in madaxweynaha uu cafis u fidiyo ninkaasi.

Barnaamijka uu kashifay Snowden ayaa lagu dabagalayay malaayiin ruux oo ku kala sugan dunida, iyadoo la dhagaysanayay telefoonnadooda isla markaasna la akhrinayay fariimahooda bogga internet-ka.