Marinada gargaarka Suuriya oo maanta la filayo in la furayo

Image caption Marinka ugu muhiimsan gargaarka ee Castello ee gala bariga Xalab

Dowladda taageerada ugu weyn uu ka helo Bishar Al-Asad ee Ruushka ayaa waxa uu sheegaysaa in maanta la baneyn doono marinada gargaarka.

Taasi micneheedu wuxuu yahay in maanta oo Jimca ah gargaar la gaarsiin karo bariga magaalada Xalab.

Laakiin maamulka Mareykanka waxa uu sheegayaa in uusan haynin war muujinaya in ciidammada Suuriya ay furayaan bariga Xalab.

Viktor Ponzikhir oo ah ku xigeenka taliyaha howlgalada ee Ruushka ayaa sheegay in ciidammada Suuriya ay ka baxayaan marinada gargaarka.

"Ciidamada qalabka sida ee Suuriya waxay fulinayaan waajibaadkooda, waxayna billaabeen inay dib ula baxaan qalabkooda militari iyo askarta uga sugan waddada Castello. Taasi waxay gacan ka geysaneysaa in gurmadka la gaarsiinayo bariga Xalab uusan kala go' ku imaan", waxaa sidaasi sheegay taliyaha u hadlay Ruushka.

Hase yeeshee, shalay saraakiisha Qaramada Midoobay waxay muujiyeen sida ay uga caroodeen ayna uga niyad jabeen, inaysan u awoodin inay gargaar gaarsiiyaan Suuriya.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Staffan de Mistura, waxa uu sheegay in dowladda Suuriya aysan fulin ballanqaadyadii ay sameysay.

Dalkaasi waxaa weli ka socota xabad joojin isniintii billaabatay oo Mareykanka iyo Ruusha ay ku heshiiyeen.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Shacabka Xalab waxay sugayaan in gargaar la gaarsiiyo

Dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada go'doonsan ee Xalab, waxa ay soo dhaweynayaan heshiiska xabbad joojinta ee hadda socda.

Hamzea waxa uu ka mid yahay dagaalyahanada mucaaradka. Wuxuu sheegayaan in shacabka ay hadda ku naaloonayaan heshiiska.

"Inta ay socoto xabbad joojinta, dadka waxay billaabeen inay banaanka u soo baxaan oo ay dukaameystaan, ayna jidadka ku wareegaan. Caruurtana waxay bilaabeen inay isu yimaadaan oo ay ciyaaraan". ayuu yiri Xamza.

Militariga Ruushka waxay ku hanjabeen in ciidammada Suuriya ay fariisimadooda ku noqonayaan, haddii xoogagga mucaaradka ay ka bixi waayaan meelaha ku dhow waddada Castello ee Xalab.

Mowduucyada la xiriira