UK oo raali gelin ka bixisay wiil 2003-dii ku dhintay Ciraaq

Lahaanshaha sawirka OTHER
Image caption Axmed Cali oo dhintay 2003dii

Wasaaradda difaaca ee Britain waxa ay raali gelin ka bixisay geerida cunug 15 sano jir ahaa oo biyo lagu dilay sanadkii 2003dii.

Arrintaasi waxay ka dhacday magaalada Basra ee dalka Ciraaq.

Axmed Cali, waxa uu kamid ahaa Afar qof oo ay xireen ciidammada Britain, waxaana lagu eedeeyay inay wax xadeen.

Waxaa ciqaab looga dhigay inay galaan kanaal biyo halkaas oo Axmed Cali, oo aan dabaal aqoon, uu ku dhintay.

Ciidammadii arrintaasi ku lug lahaa waxaa laga beriyeelay inay geysteen dil ula kac ah, sanadkii 2006-dii.

Balse, warbixin cusub ayaa muujisay dhibaatadii ka dhalatay ficilkaasi.

Warbixinta waxaa qeyb ka ahaa baaritaano qoto dheer oo ku saabsan dadka shacabka ah ee dhintay intuu socday duullaankii Britain ay ka qeybgashay ee Ciraaq, intii u dhexeysay 2003dii illaa 2011kii.