Mas wayn oo lagu dilay beerta Museveni

Mas Lahaanshaha sawirka The Daily Monitor

Mas wayn oo dhererkiisa lagu qiyaasay 6 mitir ayaa lagu dhex dilay beer uu leeyahay madaxwaynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo ku taala deegaanka Kisozi oo ka tirsan gobolka bartamaha dalkaasi ku yaalla ee Gomba sida uu ku waramay wargayska Daily Monitor.

Booliiska dalka Uganda ayaa saddex xabbadood ku dhuftay markii uu masku isku dayay in uu galo beerta Museveni uu ku dhaqdo lo'da sida uu wargayskaasi ku waramay.

Sidoo kale waxay soo xigteen booliiska oo sharaxaya sida ay u dileen maskaasi:

Waxay sheegeen "In uu halis galiyay maskaasi ayna ayna taasi ku qaaday in ay hal xabbad madaxa kaga dhuftaan labo kalana qaybaha kale"

Todobaadkii horena saddex ruux ayaa la xiray iyaga oo lagu eedeeyay in ay xadeen lo'da Museveni ee isla beertaasi ku sugan.

Museveni wuxuu beertaas ku xanaaneeyaa lo'da geesaha dhaadheer ee ay dhaqdaan qabiilkiisa Banyankore.