Hal malyan oo ruux ayaa ka carartay dalka Suudaanta Koonfureed

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Hal milyan ayaa ka qaxday dalka Suudaanta Koonfureed

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tirada dadka ka cararaya colaadda dalka Suudanta Koonfureed ay dhaaftay hal milyan oo qof.

Tiradaasi waxaa ku jira in ka badan 185 kun oo qof oo dalka isaga tagay kaddib dagaallo hor leh oo billawaday bishii July.

Inta badan qaxootigaasi waxay gaareen dalka Ugandha.

In ka badan hal milyan iyo lix boqol oo kun oo qof ayaa iyaguna ku barakacsan gudaha dalka, taas oo micnaheedu tahay in dadweynaha dalkaasi shanti qofba hal qof uu ka cararay gurigiisa si uu uga baxsado colaadda ka aloosan dalkaasi.

Dagaaladaasi oo dillaacay bsihii December ee sanaddii 2013-kii ayaa ilaa iyo maanta socda, inkastoo heshiis nabadeed la kala saxiixday sanadkii la soo dhaafay.

Qaramada Midoobay ayaa hore ugu eedaysay ciidanka dowladda iyo xoogagga falaagada ku xadgudubka xuquuqda aadanaha, laakiin madaxweyne Salva Kiir iyo hogaamiyaha fallaagada, Riek Machar ayaa beeniyay eedeyamahaasi.