Minnesota oo laga diiday Filim uu Kaynaan wado
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Minnesota oo laga diiday Filim uu Kaynaan wado

Heesaaga caanka ah ee Kaynaan Cabdi warsame, ayaa lagu banaan baxay, mar asaga iyo koox la socotay ay doonayeen inay filim ku jilaan magaalada Minneapolis.

Filimka ayaa loogu magacdaray 'min Minneapolis ilaa Muqdisho', waxaana Soomaalida halkaasi deggan ay diideen in filimka xaafadooda lagu jilo, ayagoo leh 'muuqaal aan qurxoonayn ayuu Soomaalida ka bixinayaa'.

Weriyaha BBCda ee Mareykanka Maxamed Xaji Xuseen Shiine ayaa la kulmay Keynaan oo ka wareystay arrintaasi. Marka hore wuxuu ka hadlayaa waxa filimka uu ku saabsan yahay.