Beesha caalamka oo dhaliil u jeedisay Somaliland
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Beesha caalamka oo dhaliil u jeedisay Somaliland

Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay go'aanka madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu dib ugu dhigay doorashada baarlamaanka oo lagu waday inay qabsoonto bisha Maarso ee 2017-ka.

Qoraal ay beesha caalamku soo saareen ayaa lagu sheegay in dib u dhacaas aan loo baahnayn, waa sida hadalka loo dhigaye, uuna dhaawacayo kalsoonidii beesha caalamka iyo shacabkuba ku qabeen hannaanka dimuqraadiyadaynta Somaliland, isla markaana uu saamayn ku yeelan doono xidhiidhka Somaliland la leedahay beesha caalamka.

Haddaba si aan u helno jawaabta Somaliland arrintan ka bixinayso ayaa weriyahayaga Axmed Nagaashe waxa uu khadka taleefanka kula xidhiidhay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr.Sacad Cali Shire, oo uu waydiiyay waxa ku dhaliyay madaxweynaha inuu doorashada baarlamaanka dib u dhigo.