Baarlamaanka Somaliland oo meel mariyay in dib loo dhigo doorashada baarlamaanka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Baarlamaanka Somaliland oo meel mariyay in dib loo dhigo doorashada baarlamaanka

Baarlamaanka Somaliland oo maanta fadhi ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa cod aqlabiyad ah ku meelmariyay go'aankii madaxweynaha ee ahaa in dib loo dhigo doorashada barlamaanka balse tan madaxweynuhu ku dhacdo waqtigii loogu tala galay ee March 2017.

Weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, oo goob joog ahaa fadhiga baarlamaanka ee maanta oo uu gudoominaayay gudoomiye xigeenka kowaad Baashe Maxamed Faarax ayaa warbixintan nooga soo diray.