Aaska wiil yar oo ay kumannaan qof isugu soo baxeen gobolka Kashmiir

Kumannaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka si ay uga qeyb qaataan aaska Nasir Shafi iskudhac ayaana halkaa ka dhacay Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Kumannaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka si ay uga qeyb qaataan aaska Nasir Shafi iskudhac ayaana halkaa ka dhacay

Kumannaan dad ah ayaa waxa ay iska indho tireen bandow lagu soo rogay gobolka ay Hindiya maamusho ee Kashmiir si ay uga qaybgalaan aaska wiil iskuuley ahaa oo la dilay, warbaahinta ayaa sidaasi ku warramaysa.

Wiilka oo lagu magacaabi jiray Nasir Shafi ayaa Jimcihii lagu waayay magaalada Srinagar, waxaana lagu soo warramayaa in boolisku ay sunta dadka ka ilmeysiiya ay ku rideen dadka baroordiiqayay kaddib markii uu dhacay aaska.

Kashmiir ayuusan ka jirin wax isu socod ah waxaana haatan ka dhaqangalay bandow buuxa, dowladuna waxay jartay dhammaan khadkii internetka ee gobolka kaliya ee ay Muslimiintu leeyihiin aqlabiyadda ee ku yaalla dalka Hindiya.

Sidoo kale dowladdu waxay xirtay dhammaan shirkadaha mobile-lada marka laga reebo midda ay dawladdu leedahay.

In ka badan sideetan qof oo intooda badan ku kacsan dowladda ayaa ku dhintay rabshado socday laba bilood.

Dhoolatus ay milaterigu maalintii ciidda ka sameeyeen magaalada Srinagar ayaa sare u qaaday xiisadda.

Dhanka kalana Khurram Parvez oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa loo wareejiyay xabsi ku yaalla duleedka magaalada Srinagar, maalmo un kaddib markii laga hor istaagay in uu u safro magaalada Ganeva si uu khudbad uga horjeediyo gudiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay.