Maraykanka oo la sheegay inuu askarta Suuriya duqeeyey

Dagaallamayaasha kooxda la magac baxday dawladda islaamiga oo Deir al-Zour kula dagaallamaya askarta Suuriya. Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dagaallamayaasha kooxda la magac baxday dawladda islaamiga oo Deir al-Zour kula dagaallamaya askarta Suuriya.

Milateriga Ameerikaanka ayaa sheegay in dayaaradaha xulafada uu Maraykanku horseedka ka yahay ay dhici karto in si aan ula kac ahayn ay u duqeeyeen fariisimo ay ciidanka Suuriya ku leeyihiin waqooyiga bari ee dalka.

Taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka ayaa sheegay inay rumaysnaayeen in weerarkoodu ku wajahnaa saldhigyada kooxda dawladda Islaamiga oo ay in muddo ah daba joogeen duqaynta ka hor. Waxay sheegeen in degdeg loo joojiyey duqaynta markii ay saraakiisha Ruushku ku wargaliyeen in askarta Suuriya iyo gaadiidkooda la duqeeyey.

Milateriga Ruushka wuxuu sheegay in ugu yaraan 60 askari la dilay, tiro intaa ka badanna lagu dhaawacay duqayn cirka ah oo ka dhacday Deir al-Zour.

Mowduucyada la xiriira