Qarax 29 ku dhaawacay New York

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Meelo durugsan ayaa laga maqli karay qaraxa

Ugu yaraan 29 ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhacay degmo mashquul badan oo ku taala magaalada New York.

Ma cadda waxa sababay qaraxa ka dhacay deegaanka Chelsea Sabtidii.

Bill de Blasio oo ah duqa magaalada ayaa qaraxa ku tilmaamay mid "loo qasday" ama ula kac loo gaysatay, laakiin wuxuu sheegay in aysan jirin wax cadayn ah oo argagixiso lagula xiriiriyo.

Qaraxa ayaa burburiyay daaqado waxaana laga maqli karay dhismo yaal kale oo ka durugsan meesha uu ka dhacay.

Qalab kale oo lagu sheegay in uu yahay midka wax lagu karsado oo fiilooyin ku marmaran yihiin ayaa mar dambe laga helay isla deegaankaas.

Dadka dhaawacmay dhamaantood midkoodna xaaladdiisu ma liidato sida uu sheegay taliyaha waaxda dab damiska ee magaalada New York.

Dadka dhaawacmay intooda badan waxay waxyeelo ka soo gaartay firidhka dhalooyinka iyo burburka kale.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Boolisku wuxuu sheegay inuu qaraxu burburiyey daaqad iyo gaari.