Dagaal-beeleed ka dhacay Buur Hakaba
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dagaal-beeleed ka dhacay Buur Hakaba

Dagaal-beeleed u dhexeeya reero wadayaalla dhul-beereed u dhexeeya tuulooyinka Waamo iyo Buulo oo qiyaastii 30 km dhinaca waqooyi uga beegan degmada Buur Hakaba ee gobolka Bay ayaa todobaadyadii ugu danbeeyay halkaasi ku soo noqnoqday.

Tiro dad ah ayaa ku dhintay dagaalladaasi, kuwa kalena way ku dhaawacmeen, iyadoo wali xiisaddu ay taagan tahay.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa waraystay xildhibaan Cismaan Mukhtaar Maxamed oo ka mid ah baarlamanka federaalka, isla markaana deegaanada dagaalladu ka socdaan ka soo jeeda, wuxuuna ugu horreyn weydiiyay waxa ay salka ku hayso colaaddan.