Mucaaradka dalka Niger oo xabsiga laga sii daayay

Madaxweynaha Niger
Image caption Madaxweynaha Niger

Koox siyaasiyiin ah oo ka tirsan mucaaradka dalka Niger ayaa laga sii daayay xabsiga, ka dib 10 bilood oo ay xirnaayeen.Todobadan siyaasi ayaa xabsiga la dhigay bishii November ee sanadkii tagay ka dib markii ay soo dhaweeyeen Murashaxa mucaaradka ee dalkaasi Hama Amadou oo dibad joog ahaa in muddo ah, ka hor doorashada Madaxtinimada.

Kuwa la sii daayay waxaa ka mid ah Wasiirkii hore ee Caafimadka dalka Niger Mr Soumana Sanda.

Hogaamiyaha Mucaaradka Mr Hama Amadou oo isagu qudhiisa la xiray ayaa isaga baxay wareegga labaad ee doorashada Madaxtinimada, isagoo ku andacooday in doorashada lagu shubtay, madaxweynaha ayaana ku guuleystay codad dhan boqolkiiba 90.