Dacwadda badda ee Kenya & Soomaaliya oo maanta la dhagaysanayo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dacwadda badda ee Kenya & Soomaaliya oo maanta la dhagaysanayo

Maxkamadda cadaaladda ee dunida oo ah hay'adda xagga dacwadaha u qaabilsan QM ayaa lagu wadaa inay maanta billowdo dhagaysi furan oo ay ku dhagaysanayso kiiska xadaynta badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaasoo socon doona ilaa jimcaha ay taariikhdu tahay 23ka September, wuxuuna ka dhacayaa magaalada the Hague.

Dhagaysiga ayaa khuseeya oo kaliya diidmo ka timid dhinaca Kenya. Soomaaliya dhinaceeda waxay doonaysaa in xudduudda badda dib loo calaamadiyo, ayadoo sheeganaysa in shan qaybood oo badda ka mid ah oo shidaal uu ku jiro inay iyadu leedahay.

Haddaba waxaan khadka taleefanka ee magaalada the Hague kula xiriiray xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir, waxaanan marka hore weydiiyey inuu iiga warramo qorshaha xagga dacwadda ee ay Soomaaliya la tagayso maxkamadda.