Erdogan oo bidhaamiyay ballaarinta gulufka uu ka wado Suuriya

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Erdogan

Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan ayaa sheegay in laga yaabo in xoogagga Turkiga oo gacan siinaya jabhadaha Suuriya ay sii ballaariyaan hawlgalladooda.

Madaxwaynuhu wuxuu sheegay in ay macquultahay in ay gulufka ku sii jiheeyaan bartamaha dhanka koonfureed ee gudaha dalka Suuriya.

Ciidamadaas ayaa isku dayaya in ay jabiyaan kooxda isugu jeerta Dawladda Islaamka.

Erdogan wuxuu sheegay in ay ka go'an tahay qabsashada magaalada Al-Bab, taas oo ay hadda gacanta ku hayaan kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka.

Wuxuu intaas ku daray in dagaalku uu sii socon doono tan iyo inta laga xaqiijinayo in dadka jihaad doonka ahi aysan wax halis ah ku haynin dalka Turkiga.

Bishii hore ayuu Turkiga markii u horaysay taangiyo u diray dhamaan xadka waqooyi ee ay Suuriya la wadaagaan si ay gacan uga gaystaan in aagaas laga sifeeyo malayshiyada iskugu yeerta Dawladda Islaamka iyo in meesha laga saaro is balaarinta malayshiyada Kurdiyiinta ah ee Suuriya.