Itoobiya oo raaligalin ka bixisay khariirado khaldan oo ardayda la baray

Wasaaradda waxbarashada ee Itoobiya ayaa raaligalin ka bixisay khariirado khaldan oo lagu daabacay buugaagta ardayda wax laga baro.

Khaladaadka khariiraduhu waxay ku saabsan yihiin xuduudaha gobollada Itoobiya.

Mid ka mid ah khaladaadkaas ayaa ah in buurta ugu dheer Itoobiya ee Ras Dashen lagu sheegay in ay ku taallo gobolka Tigray badalkii la sheegi lahaa in ay ku taallo gobolka Amxaarada.

Buugaagta ay khariiradahaasi ku sawirran yihiin ayaa ah kuwa lagu dhigto fasalka lixaad iyo kan tobnaad.

Dawladdu waxay sheegtay in khaladkaasi uu u dhacay si aan ula kac ahayn, laakiin mucaaradku waxay ku doodayaan in arrintaasi loo sameeyay si ula kac ah, xisbiga talada hayana uu isku dayayo in uu tirtiro taariikhda dalka.

Dawladda Itoobiya ayaa hadda wajahaysa mudaaharaadyo badan kuwaas oo qaarkood ay ku saabsan yihiin arrimo xad la xiriira oo ay wadaan labada qawmiyadood ee ugu badan dalka Itoobiya.

Ma cadda in dawladdu ay ka saari doonto khariiradahan khaldan buugaagtan oo la daabacay 2014 iyo 210-kii.