Doorashada Berlin: Merkel oo la xiriirisay guuldarada CDU dhibaatada qaxootiga

Angela Merkel Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Angela Merkel ayaa aqbashay in qaxootiga soo galay Jarmalka sanadkii hore uu ahaa mid aan la maarayn karin

Ra'iisalwasaaraha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa aqbashay masuuliyadda sida uu ugu guuldaraystay xisbigeeda CDU doorashooyinkii gobolka Berlin ee Axadii, oo ah mid taariikhi ah.

Mrs Merkel ayaa aqbashay siyaasadeeda in albaabka loo furo qaxootiga ay sabab u ahayd.

Xisbigeeda CDU ayaan maamuli doonin Berlin iyagoo isbahaysi kula jiray xisbiga Social Democrats (SPD).

Waxay sheegtay haddii ay waqtiga soo celin karto sanooyin badan, si ay ugu diyaar garowdo qaxootiga ka badan hal milyan ee Jarmalka soo galay.

Waxay sheegtay inay u baahan tahay inay aad uga shaqayso si ay u faahfaahiso siyaasaddeeda qaxootiga.

Xisbiga ka soo horjeeda ajnabiga ee AfD ayaa helay afar iyo toban boqolkiiba codka doorashada Berlin, iyagoo galay baarlamaanka gobolka markii ugu horaysay.

Xisbiga AfD Waxay hadda ku jiraan toban baarlamaan ee lix iyo tobanka baarlamaan ee goboladda Jarmalka. Waxay qabaan kalsooni inay ku guulaysan doonaan doorashada baarlamaanka federaalka ee sanadka danbe.