Odayada ku shiraya  Jowhar oo qaybsiga baarlamaanka ka heshiiyay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Odayada ku shiraya Jowhar oo qaybsiga baarlamaanka ka heshiiyay

Odayaal dhaqameedka beelaha ku shiraya magaalada Jowhar ayaa galinkii danbe ee maanta isku raacay qaybsiga kuraasta aqalka baarlamanka ee loo dhisi doono maamul goboleedka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe kaas oo uu muran ka taagnaa dhawrkii maalmood ee ugu danbeeyay.

Odayaasha ayaa qaybsaday 71-da kursi ee uu baarlamaankaasi ka koobnaanayo iyagoo u gudbiyay shaxda ay ku qaybsadeen wasaaradda arrimaha gudaha ee dawladda federaalka iyo urur goboleedka IGAD.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa goor dhawayd taleefanka Jowhar kula hadlay xogeeyaha joogtada ah ee wasaaradda arimaha gudaha Yaxye Cali Ibraahim,wuxuuna marka hore weydiiyay heshiiska laga gaaray qaybsiga kuraasta baarlamaanka.