Muslimiinta Ameerika oo iska fogeeyey weerarkii Minnesota
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muslimiinta Ameerika oo iska fogeeyey weerarkii Minnesota

Kooxda Dawladda Islaamiga aya sheegatay in weerar middi loo adeegsaday oo ka dhacay goob laga dukaamaysto oo ku taalla gobolka Minnesota uu qaaday mid ka mid ah taageerayaashooda.

Nin lagu sheegay inuu Soomali yahay oo gashanaa dareeska ragga amniga ka shaqeeya ayaa 8 qof middi la dhacay, magaalada St Cloud, ka hor intii aysan boolisku toogasho ku dilin.

Golaha xiriirka muslimiinta Ameerika (CAIR) ayaa arrintaas isaga yimid, ka dibna qabtay shir jaraa'id. Wixii ay shirka ka sheegeen ayuu Faarax Lamaane ka waraystay agaasimaha golahaas ee gobolka Minnesota Jeylaani Maxamed Xuseen.