US oo ka carootay duqeyn loo geystay gawaarida gargaarka

Mid kamid ah gawaarida gargaarka ee la duqeeyay oo gubtay Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Mid kamid ah gawaarida la duqeeyay oo gubtay

Dowladda Mareykanka ayaa caro ka muujisay weerar lagu qaaday kolonyo siday gargaar u socday magaalada Xalab ee Suuriya.

Weerarka wuxuu ku soo aaday saacado kadib markii dowladda Suuriya ay shaacisay in xabad joojintii isbuuca socotay ay dhammaatay.

Qaramada Midoobeey ayaa waxa ay sheegtay in gawaarida gargaarka ay duqeysay diyaarad dagaal.

Kooxaha u ololeeya arrimaha Suuriya waxay sheegayaan in ugu yaraan 12 qof lagu dilay duqeynta.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Isbuucii heshiiska xabad joojinta lagu jiray, gargaar lama gaarsiin goobaha go'doonsan

Qalalaaso sii xoogeysanaya ayaa dalka Suuriya oo dhan laga soo sheegayaa.

Waxay u muuqataa in heshiiskii xabad joojintii ay garwadeenka ka ahaayeen Mareykanka iyo Ruushka uu burburay.

Duqeymo diyaaradeed iyo madaafiic ayaa lagu warramayaa in lagu garaacay degmada mucaaradka ay maamulaan ee bariga Xalab.

Dagaal cusub ayaa sidoo kale wuxuu ka billowday qeybo kamid ah caasimadda ee Dimishiq.

Mareykanka, Ruushka iyo dowlado kale ayaa caawa la filayaa inay xarunta Qaramada Midoobeey kaga wada hadlaan xaaladda ugu dambeysa ee Suuriya.

Hase yeeshee, sarkaal sare oo u hadlay Mareykanka waxa uu sheegay inaysan fileyn in heshiiskii xabad joojinta la badbaadin karo.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan