Muran ka dhashay dib u dhigidda doorashooyinka Somaliland
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muran ka dhashay dib u dhigidda doorashooyinka Somaliland

Somaliland waxaa ka taagan dood ku aadan dib u dhigidda doorashada baarlamanaaka oo ay dhawaan ku dhawaaqday xukumadda. Doorashada madaxtooyada ayaa haseyeeshee qabsoomi doonto bisha March 2017 sida uu markii horaba qroshuhu ahaa.

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka soo horjeeda kala qaadista labada doorasho iyadoo xisbiyada Kulmiye iyo UCID ay taageereen .

Waxaa sidaasi oo kale go’aankaasi dhaliilay beesha caalamka oo sheegtay inuu inuu wiiqi karo kalsoonidii lagu qabay dimuqraadiyadda Soomaaliland.

Magaalada Hergeysa waxaa manta ka dhacay mudaharaad lagu taageraya go’aanka xukummada.

Weriyaha BBC ee Hargeysa axmed Saciid Cige ayaa dooddan gaaban u qabtay xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali ayaanle oo ka tirsan Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo Xildhibaan Saciid warsame Ismaaciil oo ka tirsan Xisbiga mucaaridka ah ee waddani , waxaa hadalka ku horeynaya Xildhibaan Axmed-yaasiin