Xeerilaaliyaha Soomaaliya oo ka hadlay dacwadda badda
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xeerilaaliyaha Soomaaliya oo ka hadlay dacwadda badda

Soomaaliya ayaa goor dhaweyd waxay u gudbisay xeerbeegtida maxkamadda caalamiga ah ee cadaalada ee fadhigeedu yahay magaalada The Hague ee dalka Holand go'aanka, jawaabta iyo doodeeda ku salaysan muranka Badda ee kala dhaxeeya Kenya, iyadoo sidaad horey ula socoteen shalay Kenya ay iyana doodeeda u gudbisay maxkamadda.

Waa maalintii labaad ee ay socoto dhagaysiga dooda labada wadan, waxaana la filayaa in maalinimada Jimcaha la soo afmeero doodda iyo jawaabaha labada dhinac.

Khadka teleefoonka ee magaalada Hague ayaan goor dhaweyd waraysanay xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir, oo ka mid ah gudiga Soomaaliya dacwadaas u matalaya, waxaana ugu horeyn waydiiyey waxyaabihii ay maanta u gudbiyeen maxkamadda.