Dibadbax lagu taagerayo dacwadda badda oo Muqdisho ka dhacay

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: Dibadbax lagu taagerayo dacwadda badda oo Muqdisho ka dhacay

Boqolaal qof oo u badan dumar ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Muqdisho, si ay taagero ugu muujiyaan dacwadda soohdinta badda ee ka socota Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee uu fadhigeedu yahay magaalada Hague.

Dacwaddaasi ayaa gashay maalintii seddaxaad.

Dibadbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku qornaayeen farriimo ka dhan ah Kenya, sida "Baddeena iib ma ahan', "Maxakamadda ayaan ku kala baxeynaa", iyo kuwo kale.

Banaanbaxan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir.

Afhayeenka maamulkaas Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa mar sii horreysay ugu baaqay dadka inay isgu soo baxaan Daljirka Dahsoon iyo Ex Baarlamaan, si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan qadiyadda Badda.

Image caption Boqolaal qof oo u badan dumar ayaa isugu soo baxay waddooyinka Muqdisho

Dhageysiga dacwadda maxkmadda ayaa khuseeya oo kaliya diidmada ka timid dhinaca Kenya oo ku doodeysa in maxkamaddan aysan awood u lahayn in ay xaliso murankan.

Wareegga labaad ee dhageysiga oo maanta billaabanaya ayaa waxaa lagu wadaa in garsoorayaasha maxkamadda ay dhegystaan xubnaha matalaya Kenya.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayey Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladdu maalinna dhegeysatay waxa ay Kenya ku saleyneyso diidmadeeda, maalinta labaadna ay Soomaaliya fursad u siisay inay soo gudbiso waxa ay ku riddineyso diidmada.

Labada dalba waxay sheeganayaan lahaanshaha dhul badeed bedkiisu uu gaarayo 142 kun oo km oo labo jibbaaran, waxayna sidaasi darteed Soomaaliya ka dalbatay maxkamadda inay xadeyso xaduudda badda ee labada dal si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Image caption Dibed bax ka dhacay Muqdisho oo lagu taageerayo dacwadda badda

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan