Itoobiya oo laga dhisayo xarumo warshado si shaqo loo abuuro

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dowladda Hailemariam Desalegn ayaa xooga saaraysa sidii shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada

Britain, Midowga Yurub iyo Bangiga Adduunka ayaa ku dhawaaqay inay maalgalinayaan boqol kun oo shaqo oo laga samaynayo Itoobiya, boqolkiiba soddon ayaa la siinayaa qaxootiga Eritaria.

Nus bilyan dollar ayaa lagu bixin doonaa dhisida laba xarumo oo warshado laga dhiso.

Itoobiya ayaa laga doonayaa inay qaxootiga siiso fasax ay ku shaqaysan karaan

Ra'iisalwasaaraha Britain, Theresa May, ayaa sheegtay in mashruuca uu u noqon doono tusaale sida loo caawiyo waddamada saboolka ah ee ay joogaan qaxootiga badan.

Itoobiya ayaa waxay hoy u tahay in ka badan toddobo boqol oo kun, oo intooda badan ka kala yimid Soomaaliya, Eritrea iyo Suudaanta Koonfureed.