Lacagta ay dowladda UK amaahato oo hoos u dhacday August

Lacag Lahaanshaha sawirka Thinkstock

Lacagta ay amaahato dowladda UK ayaa hoos u dhacday bishii August, sida ay sheegtay tiro ka soo baxday National Statistics.

Lacagta ay dowladda amaahato ayaa hoos u dhacday oo noqotay £10.5bn bishii hore, iyadoo hoos uga dhacday £0.9bn inta ay ahayd sanadkii hore.

Lacagta ay dowladda amaahatay sanadkan (April ilaa August) ayaa gaartay £33.8bn, taasoo £4.9bn ka yar sanadkii hore waqtigan oo kale.

Xafiiska ONS ee UK ayaa sheegay inaysan jirin astaan cad oo muujinaysa in hoos u dhaca amaahda ay ka dhalatay ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

Wasiirka maaliyadda Philip Hammond, ayaa sheegay in isbadal lagu samaynayo siyaasadda canshuurta si wax looga qabto dhibaatooyinka dhaqaale ee ka imaan karo ka bixitaanka Midowga Yurub.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan