Nin weerar ku qaaday safaarada Israel ee Turkiga ayaa la toogtay

Boliiska rabshadaha ayaa ilaalinaya safaarada Israel ee Ankara weerarka kadib Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Boliiska rabshadaha ayaa ilaalinaya safaarada Israel ee Ankara weerarka kadib

Nin wata mindi ayaa ciidammada ammaanka ee Turkiga ay ku dhaawaceen banaanka safaaradda Israel ee Turkiga, ee magaalada Ankara.

Ma jiraan wax khasaaro ah oo soo gaaray shaqaalaha safaarada, sida ay sheegeen saraakiisha Israel. Wararka gudaha waddanka ayaa sheegaya in shaqaalaha ay galeen meel ammaan ah markii weerarka uu billowday.

Dhowr safaaradood ayaa la xiray toddobaadkii hore kadib markii la helay warar sheegyay in weeraro lagu qaadi rabo.

Turkiga ayaa waxaa ka dhacaya weeraro isdaba joog ah oo ay qaadayaan mintidiinta Kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka iyo Kurdiyiin.

Kooxaha ku xeel dheer bambaanooyinka ayaa baaraya boorso laga shakiyay oo la dhigay safaarada Israel horteeda.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Kooxaha ku xeel dheer bambaanooyinka ayaa baaraya boorso looga tagay safaarada Israel ee Ankara horteeda

Mowduucyada la xiriira