Tahriibayaal ku dhintay doon ku qalibantay xeebaha ka baxsan Masar
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Tahriibayaal ku dhintay doon ku qalibantay xeebaha ka baxsan Masar

Dooni ay saarnaayeen qiyaastii lix boqol oo muhaajiriin ah ayaa ku qalibantay meel ka baxsan xeebaha Masar, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay ugu yaraan 42 qof.

Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay soo badbaadisay 150 ka mid ah dadkii doontaasi saarnaa.

Muhaajiriinta doonta saarnaa ayaa la sheegay in ay ka mid yihiin kuwo Afrikaan ah, gaar ahaan Soomaali.

Dhanka kale weli waxaa la la' yahay doon muhaajiriin siday oo xeebaha Masar ka shareecatay bishii hore, taasoo ay saarnaayeen dad Soomaali ah.

Axmed Maxamuud Bukhaari waa aqoonyahan Soomaali ah oo ku nool caasimadda Qaahira, khadka telefoonka ayuu ugu warramay Suheyba Badqas.