Garoonka Muqdisho oo laga mamnuucay kaameero aan ruqsad loo haysanin
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Garoonka Muqdisho oo laga mamnuucay kaameero aan ruqsad loo haysanin

Mas'uuliyiinta Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saareen waxa ay ku mamnuuceen in weriyayaasha aan loo ogolaan doonin inay gudaha u galaan gagida diyaarayaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, haddii aanay ruqso soo qaadan.

Xiriir ay BBC-da la sameysay Janaraal Cabdi Abshir Jaamac, Maareeyaha Guud ee maamulka iyo amniga garoonka Aaden Cadde oo warkaasi soo saaray ayaa sheegay in ujeedka amarkan uu yahay oo kaliya in gabi ahaanba la mamnuucay in garoonka lala galo Kaameero, balse ay weriyayaashu soo qaadan karaan ruqsad ay qalabka sida Kaameerooyinka gudaha kula geli karaan.

Janaraal Cabdi Abshir ayaa khadka taleefanka ugu warramay weriyaha BBC-da Cabdifitaax Ibraahim Cagayare