Shabaab oo weeraray saldhig booliis oo ku yaalla degmada Garissa

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Booliiska Kenya

Masuuliyiinta Kenya ayaa sheegay in maleeshiyaad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig boliis oo ku yaalla meel u dhow xudduuda Soomaaliya.

Warar is khilaafsan ayaa soo baxaya, oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi lagu qaaday saldhiga booliiska ee Haamey ee degmada Garissa.

Kenya waxay ku adkeysaneysaa in laba askeri la la'yahay halka Shabaabkuna ay ku doodeen inay dileen 6 ka tirsan saraakiisha booliiska ee ku sugnaa saldhiga.

Wararka ayaa sheegaya in 14 sarkaal oo booliis ah ay ku sugnaayeen xerada markii la weeraray xalay.

Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in meleeshiyaadka ay gubeen saldhiga, ayna la baxsadeen saanad hub oo aan qiyaasteeda la ogeyn.

War qoraal ah oo uu soo saaray boliiska Kenya ayuu ku sheegay in seddax sarkaal lagu dhaawacay weerarka. Laba ka mid ah ayaa lagu daweynayaa Dhadhaab halka midka kalena oo xaaladdiisu ay liidato loo qaaaday Nairobi.