Madaxwaynaha Myanmar oo soo dhexgalay gabdho yaryar oo tacadiyo loo gaystay

Lahaanshaha sawirka AFP/YE AUNG THUYE AUNG THU
Image caption Gabdhaha ayaa hadda ku soo kabanaya deegaankii ay ka yimaadeen, mana cadda waxa uu mustaqbalkoodu noqon doono

Madaxwaynaha dalka Myanmar, Htin Kyaw ayaa amray in dawladdu ilaaliso ammaanka labo gabdhood oo yaryar oo la sheegay in la jir dilay oo lagu qasbay in ay shaqeeyaan mushahaar la'aan.

Sidoo kale wuxuu billaabay baaritaan ku saabsan hab dhaqanka hay'adda xuquuqda aadanaha u dooda ee dalkaas oo wada xaajood dhanka dhaqaalaha ah u samaysay gabdhaha balse aan wax dacwad ah ku soo oogin dadkii la sheegay in ay gabdhahaas tacadiyada u gayteen.

Labada gabdhood ayaa kala ahaa 11 jir iyo 12 jir markii waalidkood ay u direen Yangon oo ah magaalada ugu wayn dalka Myanmar si ay ugu soo shaqeeyaan.

Waxay shaqo ka heleen harqaan halkaas oo la sheegay in lagu jir dilayay muddo shan sano ah ayna aad u yarayd wakhtiyada mushahaar la siiyay.

Gabdhahaas ayaa hadda la sii daayay waxaana la xiray mulkiile yaashii dukaanka.

Lahaanshaha sawirka AFP/YE AUNG THUYE AUNG THU
Image caption Dhaawacyo ayaa ka muuqda gacmaha gabdhaha