Midabaynta midnimada lagu rabo ee Muslimiinta iyo Kiristaanka Nairobi

Lahaanshaha sawirka COLOUR IN FAITH

Kaniisadaha iyo Masaajidda ku yaalla xaafada isku raranta ah ee dan yartu ku nool yihiin ee lagu magacaabo Kibera oo ku taalla magaalada Nairobi ayaa lagu rinjiyeeyay midabka huruudda taas oo ah tallaabo lagu dhiirri galinayo midnimada iyo wada noolaanshaha dadka kala diimaha ah.

Ilaa hadda labo Kaniisadood iyo Masaajid ayaa midabkaa lagu rinjiyeeyay, laakiin qorshuhu wuxuu yahay in ol'olahan la dhaafiyo xaafadda Kibera oo la gaarsiiyo dalka oo dhan.

Hogaamiyeyaasha diimaha ayaa u sheegy BBC-da in mararka qaarkood dareen shaki ahi soo kala dhex galo dadka Muslimiinta ah iyo Masiixiyiinta Kenya, sidaa awgeedna ay midab isku mid ah ku rinjiyeeyaan goobaha cibaadada ay uga golleeyihiin isku soo dhawaynta dadka.

Sannadihii u dambeeyay Kenya waxaa ka dhacay weerarro badan oo diin lala xiriiriyay.

Lahaanshaha sawirka COLOUR IN FAITH