Halkuu marayaa shirka Jowhar ee maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Halkuu marayaa shirka Jowhar ee maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe?

Boqolaal ergo ah oo ka socota gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa ku shirsan magaalada Jowhar, waxayna ilaa iyo hadda qaybsadeen xubnaha xildhibaannada ee beel kasta ay heleyso.

Ergada waxaa laga sugayaa inay ansixiyaan dastuurka uu yeelanayo maamulka cusub ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe loo samaynayo.

Maamul u samaynta labadan gobol ayaa weli waxaa ka taagan muran kalifay in qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka ay ka maqan yihiin shirka Jowhar.

Urur goboleedka IGAD ayaa wada howsha lagu fududaynayo dhismaha maamulkaasi.

Jamaal Xaaji Axmed Ibraahim waa madaxa xafiiska IGAD ee Soomaaliya, waxa uu halka ay wax marayaan uga warramay weriyaha BBC Cabdirisaaq Xaaji Catoosh.