Waddamo Yurub ah oo ka arrinsanaya qaxootiga
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waddamo Yurub ah oo ka arrinsanaya qaxootiga

Hogaamiyayaasha dalalka ku yaalla bartamaha Yurub iyo kuwa Balkan-ka ayaa maanta arrinta qaxootiga uga shiri doona caasimadda Vienna ee dalka Austria.

Hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, Ra'iisul wasaaraha Hungary, Viktor Orban iyo kan Giriigga, Alexis Tsipras ayaa ka mid ah madaxda ka qeybgeli doonta shirkaasi diiradda lagu saarayo muhaajiriinta soo mara dhabaha Balkan-ka.

Haddaba muhiimadda shirkaasi iyo waxyaabaha laga yaabo in ay kasoo baxaan ayaa waxaan ka wareysanay Cabdi Boobe Cumar oo ka shaqeeya arrimaha qaxootiga.

Khadka telefoonka ee London ayuu iigu warramay.