Xaaladda magaalada Marka oo wali cakiran
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaaladda magaalada Marka oo wali cakiran

Xaaladda magaalada Marka ayaa wali cakiran, inta badan dadkii deganaa waxay ka barakeceen sababo la xiriira dagaalada sokeeye ee ku soo laablaabtay magaalada.

Inta badan iskuulada ayaa xiran iyadoo isbitaalkii weynaa aanuu shaqaynaynin.

Magaalada Marka waxa laga saaray Al-Shabaab 2012 kii, laakiin waqtigaa wixii ka danbeeyay ma aysan helin nabad, waana tan keentay in magaalada laga qaxo.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa la kulmay gudoomiyaha degmada Marka Xasan Cumar oo hadda hawlo shaqo u jooga magaalada Muqdisho, wuxuuna marka hore weydiiyay sida xaaladda Marka ay tahay.