Maroodiga ee hareeyay shirka waxyaabaha dabar go'aya

Ka ganacsiga sharci darada ah ee fool maroodiga ayaa hoos u dhigtay tirada guud ee Maroodiga. Lahaanshaha sawirka .
Image caption Ka ganacsiga sharci darada ah ee fool maroodiga ayaa hoos u dhigtay tirada guud ee Maroodiga.

Shirkii ugu ballaarnaa caalamka oo ku saabsan sidii loo badbaadin lahaa noocyo ka mid ah dhirta iyo duurjoogta sii dabar go'aysa ayaa ka furmay dalka Koonfur Afrika, xilli uu jiro walaac laga qabo kala qaybsanaanta ku aadan badbaadada maroodiga.

Shirkan ayaa waxaa lagu gorfeyn doonaa hindise saameyn weyn ku yeelan doono 500 oo nooc oo isugu jira dhir iyo duurjoog.

Balse ajeendaha ugu weyn ayaa waxa uu noqon donaa arrinta maroodiga oo waddamada intooda badan ay ku kala qaybsan yihiin sida ugu habboon ee looga badbaadin karo in loo ugaarsado foolkooda.

Shirkan ayaa waxa uu socon doonaa ilaa shanta bisha Oktoobar, waxaana ka qayb galaya ilaa 180 waddan

Waxaa jira walaac caalami ah oo ku saabsan ugaarsatada foolka maroodiga, arrintaa oo 30% hoos u dhigtay tirada maroodiga.

Waddamada Namibia iyo Zimbabwe ayaa waxa ay doonayaan in la khafiifiyo xayiraadda saaran ka ganacsiga fool maroodiga, inkastoo tirada maroodiga ee waddamadani ay aad u hooseeyaan.

Basle waddamada qaar ayaa diidan in xayiraaddaasi la qaado.