Ninkii looga shakiyay in uu dadka ku laayay Maraykanka oo la xiray

Booliiska ayaa baahiyay muuqaalka Arcan Cetin Lahaanshaha sawirka WASHINGTON POLICE
Image caption Booliiska ayaa baahiyay muuqaalka Arcan Cetin

Booliiska dalka Maraykanka ayaa sheegay in ay qabteen ninkii loo raadinayay dilkii ka dhacay suuqa laga dukaamaysto ee ku yaalla gobolka Washington Jimcihii.

Booliiska ayaa ninkaas magaciisa ku sheegay Arcan Cetin, oo 20 jir ah, saraakiishu waxay intaas ku dareen in uu Turkiga ku dhashay uuna si sharci ah ku dagan yahay dalka Maraykanka.

Waxaa laga soo xiray Oak Harbor oo ah magaalo ku taalla koonfurta galbeed ee Burlington oo ah meeshii uu ka dilku ka dhacay.

Shan ruux ayaa lagu dilay gudaha dukaanka Macy's ee ku yaala suuqa laga dukaamaysto ee Cascade Mall.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dilka ayaa ka dhacay gudaha dukaanka Macy's

Laanta sirdoonka ee dalka Maraykanka ee magacooda loo soo gaabiyo FBI ayaa sheegay in uusan jirin wax cadayn ah oo loo hayo in dhacdadani ay argagixisanimo la xiriirto.

Booliiska oo shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in Arcan Cetin ay tuhmeen kaddib markii kaameerada suuqa laga dukaamaysto lagu dhex arkay gaari isaga lala xiriiriyay.

Booliisku waxay intaas ku dareen in ilaa iyo hadda aysan ogayn waxa ku qaaday wiilka in uu dilkaas gaysto.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dadka dhintay ayaa loogu duceeyay magaalada Sedro-Woolley, Washington