Booliiska Maraykanka oo baahiyay muuqaalka nin madaw oo la dilay

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Muuqaalka uu booliisku baahiyay

Booliiska magaalada Charlotte ee dalka Maraykanka ayaa baahiyay muuqaaladii ay duubeen kaameerooyinkii ku kala xirnaa jirka askarigii toogtay ninka madaw Arbacadii, iyo gaarigii u watay.

Sidoo kale waxay baahiyeen sawirada biskoolad iyo daroogada marijuana-ha loo yaqaanno, kuwaas oo booliisku ay sheegeen in uu lahaa Keith Lamont Scott

Afartii maalmood ee la soo dhaafay waxaa sii batay baaqyada lagu dalbanayay in la baahiyo muuqaallada toogashada Scott ee Arbacadii dhacday.

Muuqaalkan waxaa ka sii horeeyay muuqaal kale oo ay duubtay xaaskiisa oo isagana la baahiyay.

Qoyska ninka la dilay waxay sheegeen in uu buug watay ee uusan biskoolad wadanin.

Muuqaalka ay duubtay kaameerada ku xiran gaariga booliiska ee la sii daayay Sabtidii waxay muujinaysaa Scott oo kasii baxaya gaarigiisa oo u sii socda dhanka dambe isaga oo gacmihiisu hoos u laadlaadaan. Ma cadda in uu wax ku haystay gacmihiisa, afar jeer ayaase la maqlay dhawaqa rasaasta, dhulka ayuuna ku dhacay.

Muuqaalkan lagama dhex arki karo wakhtigii rasaasta la ridayay.

Weriyaha BBC Laura Bicker oo ku sugan Washington, oo daawatay muuqaalka ayaa sheegaysa in muuqaalku uusan ka jawaabaynin su'aashii muhiimka ahayd ee ku saabsanayd in Scott uu qori watay iyo in kale.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Booliiska ayaa siidaayay biskoolad ay ku sheegeen in uu lahaa Scott
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Gal biskoolad oo ay sheegeen in uu Scott lahaa ayay sidoo kale soo bandhigeen
Image caption Keith Lamont Scott (bidix) iyo askari Brently Vinson (midig)