Xarunta cusub ee gabdhaha Goldogob
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xarunta cusub ee gabdhaha Goldogob

Degmada Goldogob ee Puntland waxaa laga furay xarun weyn oo ka kooban garoon kubada lagu ciyaaro,xarun weyn oo shirarka lagu qabto iyo xafiisyada ururka haweenka Goldobog.

Ciyaartii u horaysay ee lagu qabtay garoonka cusub waxay dhexmartay kooxo gabdho ah.

Arrintaas waxaa dhaliil iyo cambaareyn dusha u saaray qaar ka mid ah culimada magaalada oo fisqi ku tilmaamay ciyaarrihii gabdhaha.

Intaas kuma dhamaanin ee gabdhihii waxay la kulmeen oo qanciyeen culimadii.

Arrimahaas oo dhan waxaa nooga warantay Kiin Gaafaa oo ah gudoomiyaha haweenka Galdogob waxay uga warantay Cabdirisaaq Xaaji Catoosh.