Dib u dhac ku yimid jadwalka doorashada Soomaaliya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dib u dhac ku yimid jadwalka doorashada Soomaaliya

Sida uu ahaa qorshaha madaxda Federaalka iyo maamulka goboleedyada Soomaaliya, waxaa la filayay in 25-ka September oo ahayd shalay lasoo saaro liiska xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Sidoo kale 24-ka September ayaa la filayay in la bilaabo soo xulidda ama shaacinta xildhibaanada barlamaanka.

Labadii midna ma dhicin, waxaana taasi ay ka dhigan tahay in jadwalka doorashada Soomaaliya uu muddadii loogu talagalay dib uga dhacay.

Haddaba maxaa keenay dib u dhacaasi? Su'aashaasi iyo kuwo kale ayay Suheyba Maxamed Badqas weydiisay Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faalooda arrimaha caalamka.