Heshiiska Nabadda 'waa in uu dib u dhisaa Colombia'

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxwaynaha Colombia, Juan Manuel Santos

Madaxwaynaha dalka Colombia, Juan Manuel Santos, ayaa sheegay in nabada lala galay Farc ay sare u qaadi doonto dhaqaalaha ayna gacan ka gaysan doonto isu soo dhawaanshaha bulshada.

Waraysi uu BBC-da siiyay ayuu ku sheegay in dagaalku uu markaste ka kharash badan yahay nabadda.

Madaxwaynha ayaa intaas ku daray inay wakhti badan qaadan doonto in dadka Colombia ay ka soo kabto dagaalkii halkaas ka jiray kontonkii sano ee la soo dhaafay.

Santos iyo hogaamiyaha Farc, Timoleon Jimenez, oo ku magac dheerTimochenko ayaa heshiis taariikhi ah sixiixi doona maanta.

Farc ayaa xisbi siyaasadeed ahaan u hawl gali doonta, sida ku cad heshiiskaasi oo afti loo qadi doono 2-da bisha October.