Ayatollah: Axmadinejad yuusan isu sharixin doorashada Iiraan

Ayatollah Lahaanshaha sawirka AFP

Wararka ka imaanaya dalka Iiraan waxay sheegayaan in wadaadka ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Khamenei, uu u sheegay madaxwaynihii hore ee Iiraan Mahmoud Axmadinejad in uusan isu soo sharixin doorashada dhacaysa sanadka soo socda.

Waxaa lagu soo waramayaa in Ayatollah uu Axmadinajad u sheegay in is sharaxaadiisa aysan dan ugu jirin isaga sidoo kalane aysan ku jirin masaaliixda dalka.

Hadalkaas ayaa meesha ka saaraya in uu isa soo sharaxo.

Axmadinajad ayaa ah siyaasi muran dhaliyay, si gaar ahna waxaa loo xusi karaa dib u soo doorashadiisii 2009-kii oo uu muran ka dhashay, taas oo sababtay in ay dhacaan mudaaharaadyo waawayn.

Laakiin waxaa loo arkaa nin miisaan leh oo ah qofka ugu dhaw ee haysta fursad ay awooda ugu soo noqon karaan dadka mayalka adag.

Axmadinajad si rasmi ah uma uusan caddaynin in uu isu soo sharaxayo doorashada madaxwayne nimada balse khudbadihiisii u dambeeyay ayuu ku bidhaamiyay damaciisa ku aadan isu soo taagidda xilkaasi.