Faransiiska: UK waa inay qaybteeda ka qaadataa dhibaatada xerada Calais

Xerada Calais Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Xerada Jungle ayaa u dhow dekadda Calais ee Faransiiska

Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande, ayaa sheegay in la xiri doono xerada qaxootiga ee loo yaqaanno Jungle. hadalkan wuxuu sheegay mar uu booqasho ku tagay magaalada Calais ee ay xerada ku taallo.

Madaxweyne Hollande ayaa sheegay inuu looga baahan yahay in UK ay qeybteeda ka qaadato howlaha bini'aadanimada.

Mr Hollande ayaa dekadda Calais kula kulmay masuuliyiinta deegaanka iyo booliiska. lama filayo inuu booqdo xerada ay qaxootiga ku jiraan.

Mustaqbalka xerada iyo dadka degen oo tiro ahaan gaarayo ilaa 10,000 oo qof ayaa noqotay arrin muhiim u ah ololaha tartanka madaxtinnimada Faransiiska.

Mr Hollande ayaa sheegay inuu go'aansaday in dowladda UK ay caawin doonto howlaha bini'aadannimada, dowladiisana ay xooga saari doonto arrintaasi.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Siyaasiyiinta Faransiiska ayaa ololahooda doorashada xooga saaraya inay ka hortagayaan dadka sharci darada ku soo galaya waddanka

7,000 ilaa 10,000 oo qaxooti iyo muhaajiriin ayaa degan xerada Jungle, iyagoo ku nool xaalad daran. Intooda badan ayaa doonaya inay si sharci darro ah ku galaan UK iyagoo ku soo dhuumanaya baabuurta.

Mr Hollande, ayaa xusay dadaalka ay sameeyaan ciidammada ammaanka ee Calais, wuxuuna sheegay "inuu fariin u dirayo dadka wax tahriibiya : Taas oo ah dad ma keeni doontaan mar kale".

UK ayaa maalgalisay darbi dhererkiisu dhan yahay 1km oo laga dhisayo jidka aadaya dekadda si looga hortago dadka ku soo dhuumanaya.

Shaqada dhismaha darbiga ayaa bilaabatay toddobaadkii hore, waxayna dhamaanaysaa dhamaadka sanadka soo socda.