Jilaa caan ka ah Itoobiya oo Maraykanka magangalyo waydiistay

Lahaanshaha sawirka SEW LE SEW
Image caption Jilaaga ayaa ah qofkii ugu danbeeyay ee caan ah oo magangalyo waydiista

Jilaa Itoobiyaan ah ayaa sheegay inuu waydiisanayo magangalyo siyaasadeed dalka Maraykanka, sababtana wuxuu ku sheegay tacaddiyada ay gaystaan ciidammada ammaanka ee dalkiisa.

Znah-Bzu Tsegaye, oo jilay filimaan Itoobiya caan ka ah ayaa ka soo jeeda qowmiyadda Amxaarada.

Qowmiyadaha Amxaarada iyo Oromada oo ah dadka ugu badan Itoobiya, ayaa samaynayay mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowladda bilooyinkii la soo dhaafay. Dad badan ayaa dhintay.

Mr Znah- Bzu, ayaa ah qofkii ugu dambeeyay ee caan ah oo u dhashay Itoobiya oo magangalyo waydiista Maraykanka.

Waqtigii ciyaaraha Rio Olympics, orodyahan reer Oromo ah ayaa go'aan ku gaaray inuusan ku noqon waddanka, kadib markii uu sameeyay astaan muujinaysa inuu ka soo horjeedo dowladda.