Kenya oo lagu daahfurayo dawada qaaxada ee carruurta

Qaaxada iyo caruurta Lahaanshaha sawirka Thinkstock
Image caption Xanuunka qaaxada waxa uu asiiba carruur badan sanad kastaa.

Dawadii ugu horeysay ee cudurka qaaxada ee caruurta ayaa maanta lagu daahfurayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Khuburada caafimaadka waxay sheegayaan in dawadan ay wax ka tarayso ugu yaraan milyan caruur ah oo sanad walba uu ku dhaco cudurkan qaaxada.

Dalka Kenya ayaana noqonaya dalkii ugu horreeyey ee dawadan laga hirgeliyo .

Dawadaan ayaa ka kooban ilaa saddex dawo oo lagu dabiibo bukaanada qaba xanuunkaasi.

Waxa ayna si sahlan ugu milmi kartaa biyaha, taasi oo u sahleysa carruurta in ay qaataan dawadan muddo lix bilood ah.

Kal hore, carruurta waxaa la siin jiray dawada ay cunaan dadka waaweyn, oo inta la burburiyo la siin jiray carruurta.

Sanad kastaa cudurka qaaxada waxa uu soo ritaa ugu yaraan hal milyan oo caruur ah caalamka oo dhan.

Cudurkan ayaa ah dillaa oo maalinkii ay u dhintaan sadax kun oo qof.