Waraysi: Daawada qaaxada oo lagu daahfuray Kenya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi: Daawo cusub ee qaaxada oo lagu daahfuray Kenya

Dalka Kenya waxaa maanta daaha laga rogay kiniini cusub oo loogu talagalay in caruurta looga daaweeyo cudurka qaaxada ama TB-da.

Kiniinigan ayaa waxaa uu ka kooban yahay afar daawo oo markii hore mid mid loo siin jiray caruurta, kuwaasi oo hadda hal meel la isugu geeyey.

Khubarada caafimaadka ayaa waxa ay aaminsan yihiin in tani tahay talaabo wax looga qaban karo cudurka qaaxada, oo ugu yaraan saameeya hal milyan oo caruur dunida oo dhan sanadkiiba.

Haddaba, Dr Abdille Noor Faarax, waa madaxa barnaamijka ka hortaga qaaxada ee degaanka Garissa,Gobolka waqooyi bari ee kenya, Mohammud Ali ayuu uga waramay ayaa khadka telefoonka